Jowhar- (Isnaay Radio)- Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Dowladda Turkiga, kuwaas oo u yimid dalka sidii ay maalgashi ugu samayn lahaayeen Kalluumesiga iyo Kheyraadka Badda.
Ujeedka kulankani, ayaa qeyb ka ah hirgelinta heshiiskii difaac iyo iskaashiga dhaqaale oo ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga kaas oo xoojinayay kafaa’iidaysiga kheyraadka badda.
Warbixintaan waxaa inoo soo Jeedinaya:- Sahro Cabdi Xuseen.