Jowhar- (Isnaay Radio)- Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Mudane Axmed Xuseen Cilmi oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka Hay’adda Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad ayaa maanta xafiiska NCRI ku qaabilay Madaxa Hay’adda IOM Soomaaliya Mudane Manuel Marques Pereira iyo kuxigeenkiisa Marwo Murima Prestage.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada Hay’adood iyo sidii loo mideyn lahaa dadaalada lagu yareeynayo waxyaabaha abuura Barakaca iyo Tahriibka sida, colaadaha, isbadalka cimilada iyo saboolnimada.
Warbixintaan waxaa inoo soo Jeedinaya:- Cabdiwahaab Cadoow Maxamuud.