Aabbe gabadhiisa u dilay isticmaalkeeda barta TikTok

0
25

Jowhar (Isnaay Radio)-  Nin dhawaan qoyskiisa ka soo raray Mareykanka kuna soo celiyay dalka Pakistaan ayaa qirtay inuu dilay gabadhiisa oo aan qaan-gaarin sababtoo ah waxaa uu dhibsaday oo uu ka carooday muuqaallada ay ku baahiso bar ay ku laheed TikTok, sida ay boolisku sheegeen

Anwar ul-Haq ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah kadib markii uu qirtay in uu gabadhiisa Hira ku toogtay magaalada Koonfur-galbeed ee Quetta Talaadadii. Wuxuu markii hore u sheegay baarayaasha in rag aan la aqoonsan ay ka dambeeyeen toogashada.

Aabahan, oo haysta dhalashada Mareykanka, ayaa sheegay in uu u arkay in muuqaallada ay gabadhiisa baahin jirtay ay yihiin “kuwo ka soo horjeeda dhaqanka qoyskiisa”.

Booliisku waxay sheegeen inay eegayaan dhinac walba, oo ay ku jirto suurtagalnimada ah in loo dilo in qoysku ay dhowrtaan sharftooda, taasoo aan ku cusbayn dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here