Ra,iisul Wasaare Xamse oo Tacsi ugu tagay Qoyska Allah ha unaxariistee Marxuum Ugaas Cabdi daahir.

0
74

Jowhar (Isnaay Radio) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo tacsi ugu tagey qoyska Alle ha-u-naxariistee Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Ugaasku uu kaalin weyn ka soo qaatay nabaddeynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey madasha ay taallo gogosha tacsida, ayaa sheegay in Ugaas Cabdi-Daahir uu ku suntanaa dal jacayl iyo sidii ay ummadda Soomaaliyeed dib uga soo kaban lahayd burburkii gaaray.

Warbixintaan waxaa inoo soo Jeedinaya:- Sahro Cabdi Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here