Jowhar(Idaacadda Isnaay) Dr Maxamed Cusman oo kamid ah dhaqaatiirta ka howlgasha Magaalada Jowhar ayaa Bulshada ugu digay ineey ka digtoonaadan Xanuunada dhasha Xilliga Jiilaalka ama Qoraxeedka kuleelada jira.
xanuunada uu ka digay dhaqtarka ayaa waxaa ka mid ah Shuban biyoodka, Maleeriyada, Tiifoowga, kadi dhiigga iyo Cuduro kale oo badan kuwaas oo uu sheegay in ay ka dhashaan Goobaha biyaha ku haraan islamarkana saameyn ku yeelan karaan Bulshada.
Warbixintaan waxaa inoo soo Jeedineeysa:- Sahro Cabdi Xuseen.