Faahfaahin laga helayo Dab kakacay Hotel kuyaalla Waqooyi Galbeed Turkiga.

0
33

Jowhar-(Isnaay Radio) Dab ayaa qabsaday hotel ku yaalla goobta loo dalxiis tago ee Kartalkaya waqooyi-galbeed ee Turkiga subaxnimadii hore ee Talaadada, waxaana ku dhintay 66 qof, 51 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha.

Dabka ayaa ka kacay hotelka Grand Kartal oo ka kooban 12 dabaq, kaas oo ka samaysan alwaax, waxaana uu bilowday 3:27 subaxnimo ee saacadda gudaha, ayuu Cali Yerlikaya ku yirri barta X.

Telefishinka gaarka loo leeyahay ee NTV ayaa sheegay in saddex qof ay dhinteen kadib markii ay ka boodeen daaqadaha hoteelka.

Goobtan dalxiiska ayaa ku taal meel sare oo buur ah oo qiyaastii 170 kilomitir (100 mayl) waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Ankara.

Dabka oo la rumeysan yahay inuu ka kacay maqaayadda hoteelka saqdii dhexe  ayaa si degdeg ah u fiday. Ilaa hadda ma cadda waxa sababay.

Muuqaalo laga soo duubay oo uu baahiyay telefiishanka NTV ayaa muujinaya qiiq aad u badan oo cirka isku shareeray oo daboolay buur baraf oo hoteelka gadaashiisa ah.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in 237 qof ay ku sugnaayeen hoteelka.

Kuwa la daadgureeyay ayaa dib loo dajiyay hoteello u dhowaa.

Wasiirka cadaalada Yilmaz Tunc ayaa sheegay in lix xeer ilaaliye loo qoondeeyay inay baaraan dabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here