Trump oo la wareegay xilka madaxweynaha Mareykanka

0
24

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Donald Trump ayaa loo dhaariyay madaxweynaha 47-aad ee Mareykanka Isniinta maanta, isagoo ballan-qaaday “kacaan caqli saliim ah “, wuxuuna xilka la wareegay iyadoo Jamhuuriyiintu ay maamulayaan labada gole ee sharci dejinta Mareykanka.

Trump, oo ka gudbay isku day xil ka xayuubin, eedeymo dambiyo iyo labo isku day dil si uu ugu guuleysto Aqalka Cad, ayaa si deg deg ah u howlgali doono kadib munaasabadda caleemo-saarka, isaga oo soo saari doona amaro madaxweyne oo kala duwan.

Waxaa amarradaas ka mid ah kuwa la xiriira sugidda amniga xuduudda, dhameynta shaqaaleysiinta ku saleysan jinsiga ee dowladda federaalka iyo kuwa kale.

Waxa uu ku dhowaaqay bilowga “xilli cusub oo xiiso leh oo guulo qaran ah” maadaama “mowjadaha isbedelka ay dalka ka socdaan,” sida laga soo xigtay qaybo ka mid ah khudbadiisii caleemo-saarka.

Awaamiirta fulinta ayaa ah tallaabada ugu horreysa ee uu Trump ugu yeeray “dib u soo celinta dhamaystiran ee Ameerika iyo caqliga saliimka ah.”

Cimilo qabow darteed ayaa keentay in dhaarinta loo raray gudaha Capitol Rotunda – markii ugu horreysay muddo 40 sano ah.

Xarunta Capitol, madaxweyne ku xigeenka JD Vance ayaa markii hore lagu dhaariyay, isaga oo uu dhaariyay garsooraha Maxkamadda Sare Brett Kavanaugh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here