Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Inta badan dadka deggan Marinka Gaza ayaa filaya in ay dib ugusoo noqdaan guryahooda iyadoo xabad joojint la filayo in ay ka dhaqan gasho maalmaha soo socdo.
Si kastaba ha ahaatee guryaha ku burburay Gaza ayaa lagu qiyaasay 58% tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay
Gobolka ayaa wajahaya dadaallo dib u dhis oo ballaaran oo waqti badan qaata
Goor sii horreysay, sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa BBC-da u sheegay in ay jiraan ku dhawaad 40 milyan oo tan oo burbur ah oo ay tahay in meesha laga saaro ka hor inta aysan dadku xitaa ku laaban guryahooda si ay u eegaan waxa laga yaabo in ay u hareen.