Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Milatariga Sudan ayaa Sabtidi shalay sheegay in ay gudaha u galeen magaalada Wad Madani ee bartamaha Sudan, isla markaana ay qarka u saaran yihiin in ay bannaanka uga saaraan xooggaga RSF.
Qabsashada Wad Madani ayaa ciidamada qalabka sida ee Sudan uga dhiganaan doonta, tallaabo weyn oo ay horay ugu qaadeen dagaalka.
Ciidamada ayaa faafiyay muuqaal tusinaya milatariga oo ku jira gudaha magaaladan oo ah caasimadda gobolka caanka ku ah beeraha iyo ganacsiga ee Al Jaziira. Gobolkan ayaa waxaa heystay RSF tan iyo bishi December ee sannadki 2023.
Dib u qabshada magaalada Wad Madani ayaa lagaa yaabaa in ay baddasho jihada uu ku socday dagaalk Sudan.