Boqollaal maxaabiista California oo la dagaallamaya dabka

0
70

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ku dhowaad 1,000 oo maxaabiis rag iyo haween isugu jira ayaa ku biiray safka hore ee la dagaallabka dabka xooggan ee ku faafaya koofurta California.

Tirada maxaabiista – oo haatan ah 939 – ayaa qeyb ka ah barnaamij mutadawacnimo oo ay hoggaamineyso Xarunta Dhaqan-celinta ee California.

Tirdooda ayaa sii kordheysay tan iyo Talaadadii, maalinta uu dabka dhimashada sababay uu bilaabay inuu sii faafo.

Ilaa 10,000 oo dhismo ayaa burburay halka 37,000 eekar la gubay, iyadoo kumannaan shaqaalaha gargaarka ay ku sugan yihiin Los Angeles si ay dabka ula dagaallamaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here