Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Go’aankan ayaa imaanaya maalmo ka hor inta uusan xilka la wareegin madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump.
Muuqaal uu lagu daabacay Facebook ayuu Mark Zuckerberg oo ah madaxa iyo milkaha Meta, wuxuu ku sheegay in la joogo xilligii dib loo soo celin lahaa xorriyadda hadalka, isagoo intaas ku daray in hubinta iyo dabagalka afkaaraha dadweynuhu ay ahaayeen kuwo caddaaladdarro ah.
Waxaa uu sidoo kale farta ku fiiqay in aaladihii ay ugu talagaleen hubinta ay abuureen dhibaato ka fara badan waxayabihii ay doonayeen in ay ka hortagaan.
Tallaabadan waxay ku soo aadaysaa sidoo kale iyadoo Zuckerberg iyo madaxda kale ee dhanka tignoolajiyada ay doonayaan inay hagaajiyaan xiriirka kala dhexeeya madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ka hor inta uusan xafiiska la wareegin dabayaaqada bishan.