Jowhar (Isnaay Radio) – Mas’uuliyiinta ka tirsan Galmudug ee booqday deegaanka Dhardhaar ee Gobolka Mudug ayaa u tagay sidii ay u qiimeyn lahaayeen xaalada abaareed iyo biyo yaraanta baahsan ee ka jirta halkaas. Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallo ay maamulka Galmudug ku doonayaan in ay uga jawaabaan dhibaatooyinka abaarta ee saameynta xooggan ku yeeshay bulshada iyo xoolo dhaqatada ku nool deegaankan.
Waxaa sooJeedineysa :- Xaliima Cali Ibrahim