29 qof oo lagu afduubtay dalka Kenya

0
55

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Guddiga qaranka xuquuqda aadanaha Kenya oo magacooda loo soo gaabiyo (KNCHR) ayaa walaac ka muujiyay tirada sii kordheysa ee dadka laga afduubanayo dalka iyado sida la sheegay 26 qof la la’yahay ilaa iyo markii ay dhaceen dibadbaxyadii dowladda looga horjeeday bishii Juun.

Qoraal shalay ka soo baxay KNCHR ayaa lagu sheegay in ay ogaadeen in afduubyada ay si hoose u sameeyeen shaqsiyaad hubeysan oo aan la aqoon.

Waxay intaas ku dareen in sidoo kale ogaadeen in dadka la afduubtay ay ahaayeen kuwa si weyn uga horjeeday dowladda.

KNCHR waxay kaloo sheegtay in ay jiraan saddaxdii bilood ee la soo dhaafay 13 kiis oo afduub ah ama la la’yahay. Tirada guud waxay taas ka dhigeysaa 82 qof ilaa iyo bishii Juun ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here