Liiska Boqolka haweenka ee ugu sameynta badan Adduunka oo la shaaciyay.

0
9

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wareyska Forbes oo la aasasay sannadkii 1917-dii ayaa shaaciyay  liisk boqolka haween ee sanadkan ugu saameynta badan adduunka, isagoo sheegay in kartida haweenkan ay ka badan tahay tan madaxda caadiga.

Hoggaamiyaha guddiga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa ugu sarreysa sanadkii saddaxaad liiska, waxaana ku xiga madaxweynaha bangiga dhexe Yurub, Christine Lagarde. Kaalinta saddexaad liiska waxaa ku jira raysalwasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni halka booska afaraad ay ku jirto madaxweynihii ugu horeeyay oo haweenka ee taariikhda Mexico soo mara, Claudia Sheinbaum.

Haweenka kale ee wargeysta lagu daabacay magacyooda waxay u qeybsamaan dhowr dabaqadood oo waa weyn sida ganacsiga, tiknolojiyada, dhaqaalaha, warbaahinta, siyaasadda iyo samafalka.

Forbes wuxuu kaloo ka hadlay kaalinta muhiimka ay haweenka ka qaateen qaabeynta iyo horumarinta garaadka macmalka (AI) ee adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here