Jowhar – ( Radio Isnaay ) Safaaradda Qatar ee Suuriya ayaa Talaada dib u billaabaysa howlaheeda shaqo, sida ay shaacisay dowladda Khaliijka Axaddii shalay, iyadoo diblamaasiyiinteeda ay booqasho ku tageen dalkaas, ayna la kulmeen dowladda KMG ahayd kaddib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Bashaar Al-Asad.
“Qatar waxa ay ku dhawaaqaysaa in ay dib u bilaabayso shaqada safaaraddeeda dalka aan walaalaha nahay ee Suuriya oo bilaabanaysa Talaadada,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaarada arimaha dibadda.
Waxa ay sidoo kale magacaawday madaxa cusub ee howlgalka Suuriya, Khalifa Abdullah Al Mahmoud Al-Shariif.
Doha ayaa xirtay safaaradii ay ku lahayd Dimishiq, waxayna u yeertay safiirkeedii bishii July 2011, horaantii kacdoonka lagaga soo horjeeday xukuumadda Asad oo isu bedelay dagaal sokeeye.