Khasaaraha ka dhashay duufaanta ku dhufatay Mayotte oo korortay.

0
41

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Duufaanta ayaa si weyn u saameysay hannaanka caafimaad ee jasiiradda, iyadoo biyuhu burburiyeen qeybaha kala duwan ee isbitaalka guud sida, qaybta daryeelka degdegga ah, dhalmada iyo gargaark deg degga ah.

Biyo la’aan ayaa jirta, waxaana sidoo kale go’ay korontada iyo khadadka isgaarsiinta. Jasiiradda ayaa ka go’na qeybaha kale ee dunida.

Duufaanta ayaa sidoo kale burburisay guryaha dadka danyarta ah ee ku nool jasiiraddaas, taas oo ku sii fiday dalalka Mozambique iyo Malawi.

Waxaa adag in la diiwaan geliyo tirada rasmiga ah ee dadka ku dhintay duufaanta, sababo la xiriira in qoysaska qaar ay eheladooda dhintay aasaan 24 saacadood gudahood, sababo diimeed awgeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here