Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa raadinaya habab uu kula macaamilo kooxaha mucaraadka Suuriya ee xukunka ka tuuray madaxweyne Bashar al-Assad, wuxuuna la xiriiray saaxiibada gobolka sida Turkiga si ay gacan uga geystaan billaabista diblomaasiyad aan rasmi ahayn.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku sugan dalka Turkiga halkaasi oo uu wadahadallo kula yeeshay Madaxweynaha dalkaasi, kuwaasi oo diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xasilinta Suuriya iyo isku dhacyada waqooyiga Suuriya ku dhexmaray ciidamada Kurdiyiinta ee Maraykanku taageero iyo kuwa uu Turkigu taageero.