Ruushka oo hakiyay qamadigii uu u dhoofin jiray Suuriya

0
57

Jowhar – ( Radio Isnaay )- Qamadigii uu Ruushku u dhoofin jiray dalka Suuriya ayaa la hakiyay sababo la xiriirra hubanti la’aanta dawladda cusub iyo dibu dhac ku yimid bixinta lacagihii hore, sida illo wareedyo Ruush iyo Suuriyaba leh ay sheegeen maanta oo Jimce ah, xili labo Markab oo siday qamadiga Ruushka oo ku socday Suuriya aanay gaarin halkii ay ku socdeen.

Ruushka, waa dalka ugu weyn ee dibadda u dhoofiya qamadiga aduunka oo dhan, waxana uu si gaara ugu taageeri jiray nidaamkii Bashaar Al Asad ee la riday.

Il wareed ku dhaw dawladda Ruushka ayay wakaaladda warrarka ee Reuters ka soo xigatay in la joojiyay alaabihii loo qaadi jiray Suuriya maxaa yeelay Ruushku waxa uu ka walaacsan yahay isbadalka ka dhacay caasimadda Dimishiq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here