Mareykanka oo kala hadlaya Turkiga xaaladda Suuriya

0
60

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wakaalladda Wararka ee REUTERS ayaa sheegtay in Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken uu ku wajahan yahay magaalladda Ankara ee dalka Turkiga, si uu Arrimaha Suuriya ugala hadlo dhiggiisa dalkaasi.

Turkiga ayaa martigeliyay qaxooti badan oo Suuriyaan ah tan iyo markii dagaalka sokeeye uu billowday 2011-kii.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo Talaadadii hadlay ayaa yiri: “Weerar kasta oo lagu soo qaado xorriyadda dadka Suuriya, xasilloonida maamulka cusub, iyo wadajirka dhulkiisa waxaan kaga jawaabi doonaa in aan ka hortagno.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here