Madaxweynaha Suuriya oo ka cararay Magaalada Dimishiq.

0
29

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa laba sarkaal oo sare oo Suuriyaan ah ayaa sheegtay in madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad uu diyaarad ka raacay magaalada Dimishiq isla markaana aan weli la garaneyn halka uu u amba baxay.

Ciidamada dowladda ee ku sugnaa garoonka ayaa la sheegay in laga saaray markii uu madaxweynuhu dhoofay.

Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo xoogaga fallaagada ay sheegeen inay bilaabeen inay gudaha u galaan caasimadda Suuriya.

Mucaaradka ayaa lagu soo warramayaa in ay maxaabiis ka sii daayeen xabsiga caanka ah ee Saydnaya, oo ah xabsi ay Qaramada Midoobay mar ku tilmaantay “kawaan dadka lagu gowraco”, halkaasoo la sheegay in kumannaan taageerayaasha mucaaradka ah jirdil iyo dil loogu geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here