Shan iyo toban qof oo ku dhintay dhul go’ ka dhacay dalka Uganda

0
31

Jowhar – ( Radio Isnaay )- Shan iyo toban qof ayaa ku dhintay, ugu yaraantiina 100 kale ayaa lagu la’yahay dhul go’ka dhacay bariga dalka Uganda, sida laga soo xigtay xafiiska ra’isul wasaaraha iyo booliska.

Roobbab mahiigaana oo ka da’ay aaggaasi ayaa keenay in uu dhulku go’o isla markaana ay aasmaan tobannaan guri.

Dhul go’a ayaa ka dhacay Arbacadii degmada la yiraahdo Bulambuli oo qiyaastii 300 km bari kaga beegan caasimadda Kampala.

Illaa 40 gruri ayaa gabi ahaanba aasmay sida ay warbixin ku sheegtay hay’adda laanqayrta cas ee dalka Uganda, waxana sidoo kale jira guryo kale oo qayb ahaan dumay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here