Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Taageerayaasha Manchester United oo dalbanaya in Ruben Amorim uu keydka geliyo saddex ciyaartoy oo Man United ah kadib barbaraha Ipswich iyadoo walaac laga muujiyey qaab ciyaareedkooda.
Manchester United ayaa barbaro 1-1 ah la gashay Ipswich Town kulankii ugu horreeyay ee uu Ruben Amorim hogaamiyo kooxda.
Amorim ayaa ciyaartan ku maamulayay Portman Road, isagoo noqday tababaraha United 11-kii Nofeembar.
Kooxdiisu waxay ku bilaabatay si riyo ah markii Marcus Rashford uu 80 ilbiriqsi gudahood hogaanka u dhiibay kooxda martida kadib orod xoog leh iyo karoos uu sameeyay Amad Diallo.
Si kastaba, taageerayaasha United ayaa aaminsan in Amorim uu durba u baahan yahay inuu go’aan adag ka gaaro saddex ciyaartoy ka hor kulanka xiga ee ay la ciyaarayaan Bodo/Glimt Khamiista.