Canada oo kaalmeyneysa muwaadiniinta liita

0
41

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqday in lacag ka badan 1.6 bilyan oo dollar ay ku bixineyso, sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka dhanka nolosha ee heysata dadka dalkaasi ku nool , gaar ahaan xilliga fasaxa ee bisha dambe.

Lacagtan ayaa la sheegay inay isugu jirto mid hal mar la siinayo qof walba oo canshuur xareeyay sanadkii hore, iyo canshuur dhaaf loo sameynayo marka ay wax iibsanayaan.

Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau, ayaa sheegay in qorshahan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu taageerayo dadka Canadian-ka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here