Arteta Oo Sheegay Laba Arin Oo Kooxdiisa Ka Caawin Kara Ku Guulaysiga Premier League.

0
6

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay in kulamo fudud iyo waliba dhaawacyada soo yaraanaya ay hor u qaadi karaan rajada Arsenal ee tartanka horyaalka premier League wakhtiyada mashquulka ee xilli ciyaareedka.

Arsenal ayaa haatan 9 dhibcood ka dambaysa kooxda hogaaminaysa horyaalka ee Liverpool wax guul ahna ma gaadhin 4-tii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka.

Dhaawacyo soo gaadhay xiddigo muhiim ah sida Martin Odegaard ayaa hoos u dhigay qaab ciyaareedka kooxda Mikel Arteta.

Gunners ayaa sidoo kale ciyaartay kulamo adag 11-kii kulan ee ugu horeeyay iyaga oo booqday Tottenham, Newcastle, Man City iyo Chelsea.

Arteta ayaana taas tilmaamay markii la waydiiyay fursadaha kooxdiisa ee ka hor kulanka Nottingham Forest.

“Waxa jira kooxo badan oo leh tayo, laakiin waa run in ay kooxuhu mareen jadwal kala duwan waana mid muhiim ah”ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here