Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shirkadda Adani Group ee India ayaa Khamiista maanta ah “kuwa aan sal iyo raad toona lahayn” ku tilmaantay eedeymaha Mareykanka ee ah in maal-qabeenkooda aas-aasay Gautam Adani uu bixiyay in ka badan $250 milyan oo laaluush ah.
Diidmada xooggan ayaa timid kadib markii saamiyada shirkaddan ay hoos u dhaceen in ka badan 23 boqolkiiba suuqa saamiyada ee Mumbai, maalin kadib markii dacwad-oogayaasha New York ay ku eedeeyeen inuu si ula kac ah u marin habaabiyay maal-gashadayaasha caalamiga ah.
Adani oo mar ahaa ninka labaad ee ugu taajirsan adduunka, waxa uu saaxiib dhow la yahay Ra’iisal Wasaaraha aamisan sarreynta Hinduuga ee Narendra Modi, waxaana dadka dhaleeceeya ay in badan ku eedeeynayeen in uu si khaldan uga faa’iidaysto xiriirkooda.