Mareykanka oo Turkey uga digay in ay marti-geliso xubnaha Xamas

0
38

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mareykanka ayaa Isniintii uga digay dalalka caalamka in ay marti-geliyaan xubnaha Xamaas, ayada oo si gaar ah loo xusay Turkey kadib markii warbixino ay tilmaameen in laga yaabo in hoggaanka kooxda Falastiiniyiinta ay u guuraan halkaas.

“Waxaan arkay warbixino sheegaya in qaar ka mid ah hoggaanka Xamaas, oo Doha ku sugnaa, ay hadda u guureen Turkiga,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Matthew Miller oo shir jaraa’id qabtay Isniintii.

Miller ma uusan xaqiijinin warbixinada, laakiin wuxuu sheegay “in uusan joogin meel uu muran kaga keeno.”

“Waan u caddeyn doonnaa dowladda Turkiga, sida aan ugu caddeynay dal kasta oo caalamka ah, in Xamaas aan sidii hore loola macaamili karin,” ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here