Golaha Ammaanka oo ku baaqay kordhinta gargaarka Gaza

0
44

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo ay ku jiraan Maraykanka iyo Britain ayaa codsaday in si degdeg ah loo kordhiyo gargaarka la siinayo rayidka Falastiiniyiinta ee ku sugan Gaza, iyagoo ka digay in xaaladda bini’aadantinimo ee halkaas ka jirta ay ka sii dareeyso.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain David Lammy ayaa ku baaqay, in si weeyn kor loogu qaado gargaarka Gaza, halkaasoo inta badan 2.3 milyan oo deganaa ay barakaceen , taasoo ay uga sii dareen dhibaatooyinka bini’aadanimo.
Dhanka kale, Mareykanka ayaa uga digay Turkiga Isniintii inuu martigeliyo hoggaanka ururka Hamas oo uu Mareykanku u aqoonsan yahay urur halis ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here