Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kabtanka Manchester United Bruno Fernandes ayaa kalsooni ku qaba in Ruben Amorim uu ugu dambeyntii guul ku soo celin karo Old Trafford.
Red Devils ayaa shaqada ka caydhisay Erik Ten Hag waxana ay shaqada u dhiibtay Ruben Amorim kaas oo kulankiisii ugu horeeyay hogaamin doona kulanka Ipswich kulan premier League ah todobaadka dambe.
“Mararka qaar qofku wuxuu bedeli karaa tamarta meel bannaan, haddii ay tahay waqtiga saxda ah,” kabtanka kooxda Fernandes ayaa u sheegay MUTV markii wax laga weydiiyay tababaraha cusub.
“Waxaan rajeyneynaa inuu imaan karo, waana waqtigii ku haboonaa inuu yimaado oo uu keeno tamartiisa, keeno tayadiisa iyo aqoontiisa kubada cagta sababta oo ah waxa uu qabtay shaqo fiican intii uu joogay Sporting.
“Haddii uu qof ka shakiyo taas, waa in uu dib u laabto oo uu eego Sporting maadama ayna Sporting ku guulaysan horyaalka muddo 20 sano ah laakiin waxa ay ku guulaysteen horyaalka Portugal 2 jeer oo xidhiidh ah”.
“Marka waxaan rajeyneynaa inuu sidaas oo kale ku sameeyo halkan, waxa aan hubaa in uu noqon doono wakhtigiisu mid guulo ah”.