Jamhuuriyiinta Mareykanka oo si buuxda ula wareegay awoodda Congress-ka

0
31

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Jamhuuriyiinta ayaa Arbacadii lagu dhowaaqay in ay ku guuleysteen aqlabiyadda Aqalka Wakiilada Mareykanka, ayaga oo dhameystiray isku mar ay kula wareegeen awoodda Aqalka Cad iyo Congress-ka Mareykanka, una gacan gelinaya madaxweynaha cusub Donald Trump awood sharci-dejin.

Ka dib in ka badan toddobaad tirin codadka ah, CNN iyo NBC ayaa saadaaliyay in xisbiga Trump uu gaaray 218-ka kursi ee loo baahan yahay si ay u sii haystaan aqlabiyadda aqalka hoose ee ka kooban 435-ka kursi, iyagoo horey ugala wareegay Senate-ka xisbiga Dimoqraadiga.

“Waa subax aad u qurux badan Washington. Waa maalin u cusub Ameerika,” ayuu yiri afhayeenka Aqalka Wakiilada Mike Johnson, oo qabtay shir jaraa’id oo uu ugu dabaaldegayo guusha Talaadadii ka hor inta aysan natiijadu noqon mid rasmi ah.

Qoraxdu way ifaysaa, taasina waxay ka tarjumaysaa sida aynu dhammaanteen dareemayno, wakhtigani waa wakhti aad iyo aad muhiim ugu ah dalka, uma qaadaneyno si fudud.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here