Burcad xirtay garoonka diyaaradaha ee Haiti

0
34

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee caasimadda dalka Haiti ayaa Isniintii si kumeel gaar ah u xirmay, kaddib marki ay koox burcad ah oo aad u hubeysan ay rasaas oodda uga qaadeen diyaarad rakaab ah oo laga leeyahay dalka Mareykanka, xilli ay caga dhiganeysay garoonka.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka iyo maamulka shirkadda leh diyaaradda Spirit Airlines ayaa xaqiijiyay weeraka lagu qaaday diyaaradda, kaas oo ka dhacay gudaha garoonka caalamiga ah ee magaalada Port-Au-Prince.

Diyaaradda ayaa kasoo amba baxday magaalada Fort Lauderdale ee gobolka Florida kuna sii jeedday Port-Au-Prince. Waxaa la xaqiijiyay in dhowr xabbadood ay ka dhex duseen diyaaradda isla markaana ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen qaar ka mid ah rakaabka.

Diyaaradda ayaa marki danbe ku degtay Jasiiradda Dominican Republic. Kooxda burcadda ah ee weerartay ayay Safaaradda Mareykanku ku sheegtay mid lagu rabay in lagu xiro isu socodka magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here