Nin u dhashay Afghanistan oo loo haysto in uu khaarijin rabay Donald Trump

0
45

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladda Mareykanka ayaa dacwad ku soo oogtay muwaadin u dhashay dalka Afghanistan oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay qorshe dhagreed ay soo abaabushay Iran oo lagu dili rabay Donald Trump ka hor inta aan loo dooran madaxweynaha.

Waaxda cadaaladda ayaa dacwad ku soo oogtay Farhad Shakiri oo 51 jir ah Jimcihii.

Farhad ayaa lagu eedeeyay in loo xilsaaray ‘qorsheynta’ si uu u dilo Trump.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Shakiri aan gacanta lagu hayan lana rumeysan yahay inuu ku sugan yahay dalka Iran.

Dacwad ayaa waxaa la geeyay maxkamadda Manhattan, dacwad oogayaasha ayaana ku eedeeyay in sarkaal ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran uu ku amray Shakiri bishii Septemper inuu qorsheeyo sahminta iyo dilka Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here