Malaayiin Mareykan ah oo saaka u dareeraya doorashada madaxtinimada 2024-ka

0
45

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Malaayin qof oo Mareykan ah ayaa maanta oo Talaada ah u dareeraya goobaha ay yeelaan sanaadiiqda codoadka, si ay u soo doortaan madaxweynaha xakumi doona dalkan afarta sano ee soo socota.

Doorashadan taariikhiga ah ayaa waxaa si adag ugu loolamaya madaxeynihi hore ee Mareykanka Donald Trump oo ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga iyo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ee xilligan, Kamala Harris oo ka socota xisbiga Dimoqraadiga.

Labada murashax ayaa Isniinti shalay oo aheyd maalinti ugu danbeysay ee ololaha doorashada xoogga saaray gobolka muhiimka ah ee Pennslvania, oo aad loo saadaalinayo in ciddi ku gooleysata uu noqon karo madaxweynaha soo socoda.

Trump ayaa ku billaabay magaalada Reading ee cirifka koofureed ee Pennsylvania. Harris ayaa iyaduna joogtay magaalada Allentown oo 30 mile un u jirta Reading.

Trump ayaa u sheegay dadka gobolkaasi “in haddii uu ku guuleysto codkooda ay arrintu ku dhamaan doonto in uu ku guuleystay madaxtinimada Mareykanka.”
Harris ayaa iyaduna ku boorrisay dhammaan dadka gobolka Pennsylvania in ay codeeyaan, taasoo dhinac u ridi doonta macnana u sameyn doonta doorashadan bey tiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here