Maamulka Washington oo heegan galiyay qaar kamid ah ilaalada qaranka

0
56

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Guddoomiyaha gobolka Washington ayaa sheegay in uu hawlgelinayo qaar ka mid ah xubnaha Ilaalada Qaranka si ay heegan ugu noqdaan, macluumaad keenay welwel ah in rabshado la xiriira doorashada 2024-ka ay dhacaan.

Gobolku ayaa wuxuu ka mid yahay laba meelood oo sanaadiiqda codbixinta lagu gubay horraantii usbuucan.

“Inaga oo ka duulayna macluumaadka guud iyo kuwa gaarka ah iyo walaacyada ku saabsan suurtagalnimada rabshado ama dhaqdhaqaaqyo aab sharci ahayn oo ka dhan ah doorashada guud ee 2024, waxaan rabaa inaan hubino inaan si buuxda ugu diyaargarownay oo aan ka jawaabi karno” ayuu guddoomiye Jay Inslee ku qoray website kiisa.

Boqolaal ka mid ah sanduuqyada cod bixinta ayaa la waxyeeleeyay ama la burburiyay iyada oo la adeegsanayo aalad dab dhalisa magaalada Vancouver, sida uu sheegay Inslee.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here