Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kuuriyada Woqooyi waxay garab taagnaan doontaa Ruushka illaa ay “ka guul” gaareyso Ukraine, wasiirka arrimaha dibadda ee Pyongyang ayaa sidaas ka sheegtay Moscow, iyadoo ay sii kordhayso cabsida laga qabo in Pyongyang ay ku biireyso dagaalka Ukraine.
Wasiirka arrimaha dibadda Kuuriyada Waqooyi Choe Son Hui ayaa hadalkan sheegtay ka dib markii ay Moscow wada-hadal kula yeelatay dhigeeda Ruushka Sergei Lavrov.
Waxay ku sugnayd Moscow iyadoo Reer Galbeedku ay sheegeen in kumannaan ka tirsan ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay ku sugan yihiin Ruushka, lagana yaabo in loo adeegsado gudaha Ukraine.