Sacuudiga oo marti-gelinaya shirka koox cusub oo u ololeyneysa Falastiin

0
33

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sacuudi Carabiya ayaa Arbacada maanta ah la filayaa in ay furto kulankii ugu horreeyay ee “isbahaysiga caalamiga ah” ee cusub si loo cadaadiyo dhismaha dowlad Falastiin, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

“Isbahaysiga Caalamiga ah ee Hirgelinta Xalka Labada Dawladood,” ayaa bishii hore looga dhinaca qaaday shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda Sacuudigu wakhtigaas, kaas oo isu keenay dalalka Carabta iyo Islaamka iyo dalalka Yurub.

Kulanka todobaadkan ka dhacaya magaalada Riyadh ayaa la filayaa inuu socdo muddo labo maalmood ah, waxaana lagu soo bandhigi doonaa arrimo ku saabsan gargaarka bani’aadannimo, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta iyo dhiirigelinta sidii loo horumarin lahaa xal laba dowladood ah oo laga gaaro khilaafka Israel iyo Falastiin, sida ay sheegeen diblomaasiyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here