Dowlada Hindiya oo Amar dul dhigtay Maqaayadaha Cunnada ku Tufa Candhuufta .

0
5

Jowhar  ( Radio isnaay)- Xisbiga xukuma Hindiya ee Bharatiya Janata Party (BJP) ayaa ku dhawaaqay inay soo rogeen ganaaxyo culus iyo xabsi ay wajihi karaan dadka cuntada kariya ee ku sugan labada gobol ee uu xisbigu ka taliyo.

Xisbiga ayaa tilmaamay in dadka sameeya cuntooyinka ay ku wasakheeyaan waxyaabo ay kamid yihiin candhuuf, kaadi iyo waxyaabo kale oo caafimaadka iyo nadaafadda halis ku ah.

Gobolka lagu magacaabo Uttarakhand oo ku yaalla waqooyiga dalkaas ayaa ganaaxi doona 100,000 oo rupees una dhiganta 1,190-dollar, halka gobolka dariska la ah ee Uttar Pradesh, lagu wado in laga soo saaro sharciyo adag si wax looga qabto cuntooyinka lagu tilmaamay inay ka hor imaanayaan caafimaadka.

Awaamiirta dowladda ayaa daba socday faafinta muuqaallada aan la xaqiijin ee baraha bulshada oo muujinaya dadka cuntooyinka ku sameeya hareeraha waddooyinka iyo maqaayadaha yaryar kuwaas candhuuf ku tufaya cuntada.

Muuqaallada ayaa caro ka abuuray baraha bulshada, iyadoona qaar badan oo kamid ah dadka ay walaac ka muujiyeen badqabka caafimaad ee cuntada gobolladaan.

Muuqaal kamid ah kuwa aadka u faafay ayaa la sheegay in haweeney ay kaadi ku dartay cunto, waxaana markii hore lagu sheegay inay tahay Muslim, balse booliiska ayaa markii dambe u aqoonsaday inay tahay Hinduu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here