Qaramada Midoobay oo ka digtay khatar kale oo ku wajahan carruurta Gaza.

0
33

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ka digaya in daad gureynta caafimaad ee carruurta dhaawacyada halista iyo cudurrada qaba ee Gaza ay u muuqato in gabi ahaanba istaagtay, taasoo halis gelisay nolosha kumannaan qof oo carruur u badan.

Bukaannadaan ayaa qaba xanuuno halis ah iyo dhaawacyo daran, mana awoodaan in ay Gaza ku helaan dawo iyo qalliino sababo la xiriira go’doominta Isra’il ee Marinka Gaza iyo dagaallada muddada sannadka ka badan halkaasi ka socda.

Afhayeenka UNICEF, James Elder oo Jimcihi shalay wariyaasha kula hadlay magaalada Geneva ayaa sheegay, in daad-gureynta carruurta Gaza ay ka yartahay maalintiiba hal canug.

Carruurta u baahan in si deg deg ah dibadda loogu qaado ayuu sheegay in ay ka badan yihiin 2,500 oo u baahan gargaar deg deg ah. Gaabiska aadka u yar ee daad-gureynta ayuu sheegay in haddii sidaasi uu ku sii socdo ay noqon doonto in daad-gureynta ilmahaasi ay qaadan doonto wax ka badna 7 sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here