Booliska Pakistan oo ka hadlay saraakiil lagu dilay dalkaasi

0
32

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ilo-wareedyo ka tirsan Booliiska Pakistan ayaa sheegay in ugu yaraan toban sarkaal la dilay ka dib markii koox dabley ah ay soo weerareen fariisin ay ku sugnaayeen habeen hore, halkaas oo ay ku dileen xubno ka tirsan ciidamada ilaalada xuduudaha.

Kooxda Taalibaan ee dalka Pakistan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, iyagoo sheegay inay ugu aargudayaan dilka hoggaamiye sare oo ciidamada Pakistan ay ku dileen howlgal Khamiistii dhacay.

Weerarka ayaa ka dhacay degmada Dera Islmail Khan, oo qiyaastii todobaatan kiiloomitir u jirta xudduudda Afgaanistaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here