Dani Olmo Oo Fariin U Diray Real Madrid Ka Hor Kulankooda Sabtida.

0
6

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ciyaaryahanka kooxda Barcelona ee Dani Olmo ayaa aaminsan in kooxdiisu ay awood u leedahay inay guul ka gaarto El Clasico kulanka ay wajaheyso Real Madrid, isagoo hadlay ka hor kulanka soo socda ee labada kooxood.

Real Madrid iyo Barcelona ayaa kulmi doona Sabtida soo socota, taasoo qayb ka ah Horyaalka La Liga ee dalka Spain xilli ciyaareedka 2024-2025.

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo hogaaminaya horyaalka La Liga isla markaas ah kooxda ugu fiican horyaalka.

Dhinaca kale Real Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay hogaanka la wareegaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here