Toddobo dal oo ka horyimid in Ukraine ay ku biirto NATO.

0
6

Jowhar – ( Radio Isnaay )-  Ilaa toddobo dal oo ay ku jiraan Mareykanka, Jarmalka, Hungary, Slovakia, Belgium, Slovenia iyo Spain aad uma doonayaan in Ukraine ku soo biirto isbahaysiga NATO sida uu qoray wargeyska Politico.

Safiirka Mareyknka ee NATO, Julianne Smith, ayaa u sheegtay wargeyska in isbahaysiga uusan diyaar u aheyn in Ukraine xubin ka noqoto.

Volodymyr Zelensky waxa uu sheegay in Jarmalka ka welwelsan yihiin in Ukraine diyaar u tahay ku biirsita NATO. Washington iyo Berlin meesha kama saarin suuragalnimada in Ukraine ay xubin ka noqoto NATO.

Dalalka Hungary iyo Slovakia waxaa hadda ka taliya xisbiyo garabka midig oo fog oo ka horjeeda argiyada Kremlin-ka taageersan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here