Trump oo Ingiriiska ku eedeeyay fara gelin doorashada Mareykanka.

0
5

JOwhar – ( Radio Isnaay ) –  Ra’iisul wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa beeniyay faragelin la sheegay in xisbigiisa Labour-ku uu ku sameeyay doorashada madaxtinimo ee Mareykanka ka dhaceysa bisha November ee soo socota.

Ololaha Trump ayaa gudbiyay dacwad sharci ah oo uu ku sheegayo in xisbiga shaqaalaha ee Britain uu sameeyay wax ay ugu yeereen wax ku darsi shisheeye oo sharci darro ah ololihii doorashada Kamala Harris.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib qoraal uu baraha bulshada ku faafiyay madaxa Hawlaha ee Labour-ka kaas oo xubnaha xisbiga ku dhiirigaliyay inay u safraan Mareykanka si ay ugu ololeeyaan Dimuqraadiyiinta, inkastoo markii dambe la tiray qoraalkaasi.

Sir Keir waxa uu sheegay in hawl-wadeeno kasta oo ka qaybqaadanaya ay iskood isu xilqaameen oo aanay dhaqaale ka helin xisbiga.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in cabashooyinka aysan wax u dhimi doonin xiriirkii uu la lahaa madaxweynihii hore ee Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here