Ergeyga QM oo soo jeediyey in la kala qeybiyo Saxaraha Galbeed.

0
5

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Saxaraha Galbeed ayaa soo jeediyay in dhulkaas loo kala qeybiyo Morocco iyo jabhada Polisario ee madax-banaanida dooneysa si loo xaliyo colaadda soo jiitameysay tobanaan sano, wakaaladda wararka ee AFP ayaa sidaas ogaatay Khamiistii.

“Waxaan si taxaddar leh dib ugu eegay oo aan u ballaariyay dhammaan dadka ay khusayso fikradda kala qeybinta dhulka,” Staffan de Mistura ayaa sidaas yiri intii lagu jiray kalfadhi xiran oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu yeeshay Arbacadii.

Saxaraha Galbeed waxaa inta badan gacanta ku haysa Morocco, balse Jabhadda Polisario ee ay Algeria taageerto ayaa u ololaynasay madax-bannaanida dhulkaas tan iyo ka hor intii aanu gumaystaha Spain ka bixin sannadkii 1975-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here