Israa’iil oo sheegtay inay dishay hogaamiyihii Xamaas.

0
5

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil Israel Katz ayaa xaqiijiyay in hoggaamiyihii Xamaas Yaxye Ibrahim Xassan Sinwar uu geeriyooday.

Wuxuu sheegay in hoggaamiyaha Xamaas ay saraakiisha Israa’iil maanta dileen, isagoo ku tilmaamay “maskaxdii ka dambeysay xasuuqa iyo xadgudubyada” 7-dii October.

Ururka Xamaas ayaa Ilaa hadda xaqiijin dilka hogaamiyahoodii

Yaxya Sinwar ayaa noqday madaxa guud ee Ururka Xamaas kadib markii magaalada Tehran lagu dilay Ismaaciil Haniyeh.

Yaxye Sinwar ayaa ku dhashay xerada qaxootiga Khan Younis ee Qasa sanadkii 1962di, isaga oo daraasaadka Carabiga kaga takhasusay Jaamacadda Islaamiga ah ee Qasa. Saddex jeer ayaa la xiray – 1982, 1985 iyo 1988dii. Markii ugu horreysay waxaa la xiray isaga oo jaamacadda dhigta, markaas oo uu ahaa hoggaamiyaha ardayda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here