Ololaha doorashada Mareykanka oo Maraya meel xiiso leh.

0
7

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Saddex toddobaad ayaa ka haray doorashada madaxtinimada Mareykanka ee sannadkan 2024-ka.

Doorashadan oo ay ku tartami doonaan labada murashax ee kala ah, madaxweyne ku-xigeenka xilligan ee Mareykanka Kamala Harris oo Dimoqraadi ah iyo madaxweynihi hore Donald Trump oo Jamhuuri ah.

Labada dhinac ayaa wada ololihii ugu dambeeyay ee ay ku soo bandhigayan qorshayashooda hadii la doorto ay ku hagi lahayeen dalka Mareykanka.

Doorashada madaxtinimada ayaa dhici doonta 5-ta bisha November ee soo socota iyadoo shaqsiga loo doorto xilka madaxweynaha uu shaqada aqalka cad uu bilaabi doono bisha Janaayo ee 2025-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here