Qofkii ugu horeeyay xanuunka Furuqa daanyeerka oo ugu geeriyooday Kenya.

0
8
Christian Musema, a laboratory nurse, takes a sample from a child declared a suspected case Mpox - an infectious disease caused by the monkeypox virus that spark-off a painful rash, enlarged lymph nodes and fever; at the the treatment centre in Munigi, following Mpox cases in Nyiragongo territory near Goma, North Kivu province, Democratic Republic of the Congo July 19, 2024. REUTERS/Arlette Bashizi

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan hal ruux ayaa cudurka furuqa danyeerka markii ugu horeysay ugu geeriyooday dalka Kenya.

In ka badan 13 xaaladood oo kale ayaa la xaqiijiyay in laga helay 11 degmo oo gudaha dalka ah Kenya oo ay ku jiraan magaalooyinka waaweyn ee Nairobi, Mombasa iyo Nakuru.

Saraakiisha caafimaadka ayaa baadi goobaya 68 qof oo lala xiriiriyay xanuunkan, kuwaas oo saddex ka mid ah laga helay.

Ololayaasha caafimaadka dadweynaha ayaa sii wada dadaalkooda ku aaddan wacyigelinta, halka kooxaha caafimaadka ay xoogga saarayaan xal u helidda kiisaska la xaqiijiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here