Hakad ku yimid gurmadkii la gaarsiin jiray falastiiniyiinta ku nool waqooyiga Gaza.

0
16

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hay’adda cuntada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WFP ayaa sheegtay in weerarada Israa’iil ay saamayn taban ku yeesheen cuntadii ay heli lahaayeen kumanaan qoys oo reer Falastiin ah.

Waxay sheegtay hay’addu in wadooyinkii ugu waawaynaa ee waqooyiga ay xirtay Israa’iil aysanna jirin wax cunta ah oo galay tan iyo 1 dii October.

“Waxaa naga ngo’an inaan raashin naf celis ah geyno caqabad kastaba ha jirtee,” sidaas waxaa yiri Antoine Renard, oo ah Agaasimaha WFP ee Falastiin.

“Laakiin amni darro iyo marin aan joogto ahayn, waa ay adkaaneysaa in dadka la gaaro”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here