Laba Sabab Oo Uu Mohamed Salah Heshiis Cusub Ugu Saxiixi Doono Liverpool.

0
10

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Khabiir iyo saxafi ayaa tafaasiil ka bixiyay laba sababood oo kala duwan oo uu Mohamed Salah u saxiixi doono heshiis cusub is badalka tababaraha ayaana laga yaabaa in ay dhinacooda u shaqayso.

Salah ayaa ka mid ah 3 xiddig oo ay Liverpool halis ugu jirto in ay lumiso xagaaga dambe iyada oo labada xiddig ee kale yihiin Trent Alexander-Arnold iyo Virgil van Dijk.

Inkasta oo ay da’doodu sii weynaanayso, Van Dijk (33) iyo Salah (32) ayaa weli ah xiddigo heer sare ah waxayna labadooduba ka ciyaari karaan booskooda.

Salah ayaa dhawaan shaki galiyay mustaqbalkiisa isaga oo sheegay in uu ku jiro sanadkii ugu dambeeyay ee uu ku ciyaarayay maaliyada Liverpool.

Kadib hadalka Salah waxa soo baxay warar badan oo sheegaya in uu Salah doonayo in uu sii joogo kooxda isla markaas heshiis cusub saxiixo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here