Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Daacuun ayaa ka dilaacay gobolka waqooyiga bari ku yaala ee dalka Nigeria ee Borno halkaas oo fatahaadda ku dhufatay ay barakicisay dad ku dhaw 2 milyan oo qof, sida laga soo xigtay maamulka gobolka.
Waa wax caadiya in daacuun ka dilaaco Borno oo ubuc u ahayd kacdoonka 15 sano jirsaday ee kooxaha islaamiyiinta xagjirka ah oo inta barakiciyay kumannaan kun oo qof ku shubay xeryaha dadka gudaha ku barakacay, waxana xumaaday fayo dhawrka iyo helitaanka biyo nadiifa.
Isu duwaha caafimaadka gobolka Borno Baba Mallam Gana ayaa weriyayaasha u sheegay in 17 kiis oo cudurka daacuunka ah la diiwan galiyay, laakiin lama soo sheegin wax dhimasho ah.