45 muhaajiriin ah oo ku dhintay xeebaha Jabuti.

0
5

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – 45 qof oo tahriibayaal ahaa ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen xeebaha Jabuti, kaddib marki laba doon oo ay la socdeen ay ku quuseen biyaha Badda Cas ee Bariga Africa, sidaasi waxaa sheegtay Laanta Socdaalka ee Qaramada Midoobay.

Laanta IOM waxay sheegtay, in doonyaha qarraqmay oo kasoo shiraacday xebaha Yemen ay la socdeen ilaa 310 qof, isla markaana ilaa iyo hadda la badbaadiyay kaliya 32 ka mid ah muhaajiriinta.

Laanta Socdaalka ee Qaramada Midoobay ayaa intaasi ku dartay in ay hadda ay socdaan howlgallo gurmad ah oo ay wadaan adeegga gurmadka deg degga ah ee Dowladda Jabuti, kuwaas oo lagu doonayo in lagu soo badbaadiyo dadka la la’yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here