Duufaanta Helene oo tiro kabadan 80 qof ku dishay Mareykanka

0
6

Jowhar- (Isnaay Radio)-  Malaayiin qof oo ku nool gobollada Koonfur-bari ee Maraykanka ayaa Axaddii shalay bilaabay howlo isugu jira nadiifin iyo dayac-tir, kaddib markii roobab watay dabaylo iyo daadad ka dhashay duufaanta Helene ay burburiyeen guryo badan, waddooyin iyo buundooyin, laga soo billaabo Florida ilaa Virginia.

Sida ay ku warrantay CNN-ta, duufaanta ayaa gobollada South Carolina, Florida, Georgia, North Carolina iyo Virginia ku dishay dad gaaraya ugu yaraan 89 oo qof.

Wakaaladda wararka ee ayaa iyaduna sheegtay in tirada dhimashada ay tahay 69. Hase yeeshee saraakiisha dowladda ayaa ka cabsi qaba in tirada dhimashada ay intaasi ka badnaan doonto, maadaama wali la la’yahay dadka qaar.

Dadka ugu badan ayaa laga diiwaangeliyay gobolka South Carolina, halkaas oo ay saraakiishu sheegeen in duufaantu dishay ilaa 25 qof, kuwaas oo intooda badani ay ku soo dul dhaceen geedo.

Qiyaasta hantida ku burburtay ayaa lagu qaddaray cadad u dhaxeeya 15 ilaa 100 bilyan oo dollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here